Animation

Daawo Sawirro: Goobaha Muhiimka ah ee Sanadkaan loo diyaariyay Xujeyda Soomaliyed iyo Wafdi Dowlada ka socda oo Booqday

no responses
Sunday September 11, 2016 - 9:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Soomaaliyeed ayaa shalay galab soo kormeeray goobaha loo diyaariyay Xujayda Soomaaliyeed ee Sanadkaan ka qeybgalaysa gudashada waajibaadkooda ku aadan Xajka.

Wafdiga Dawladda Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Md Cabdulqaadir Baqdaadi, Wasiirka Beeraha Ugaas Axmed Bile, Safiirka Soommaaliya ee Sucuudiga Daahir Gelle iyo marti kale.

Goobahaasi la diyaariyay ayaa kala ah Mina oo ay Maalmo joogi doonaan Xujaydu laga bilaabo Maanta iyo Banka Carraffo oo la joogi doono, iyadoo goobahaasi laga dareemayo isbedello Ballaaran oo lagu sameeyay meelaha loo qoondeeyay Soomaalida marka la barbardhigo labo sano ka hor.

Waxyaabaha Xujeyda Soomaliyed Sanadkaan Loogu diyaariyay Xajka Waxaa ka mid ah:..

1-teendhooyinka ay Dagayaan Soomaalidu oo hadda ah kuwa labaad ee ugu wanaagsan Wadamada oo dhan.
2- Cuntada loo diyaariyay Xujayda inta ay joogaan Mina oo iyana ah mid aad loo tayeeyay oo bilaash ah ama lacag la’aan ah.
3- Teendhooyinka la harsanayo Maalinta Carraffo oo iyana aad loo horumariyay,kuwaasi oo leh qaboojiyayaal.

Iyo tan 4-aad oo ah in lagu farxo Adeegyada Caafimaad oo ay ka mid yihiin Ambulance-yo iyo Dhaqaatiir u adeegaya Xujayda, kuwaasi oo saacad kasta dhex joog Xujayda lana gudanaya Waajibaadka iyo Sunooyinka Maalmahaan Barakaysan.

xaj xaj1 xaj2 xaj3banka_carafo-620x330