Animation

Daawo Sawirro: Faadumo xasan Maxamed ( Neero ) oo Noqotay Haweeneydii ugu hooreysay Ciidanka Booliska oo gaartay darajada Gaashanle sarre

no responses
Wednesday October 26, 2016 - 11:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Taliyaha Ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed shiikh xasan xaamud ayaa u xiray maanta dallacaada haweeney kamid ah saraakiisha boliiska soomaaliyeed  oo noqotay haweeneydii ugu horeysay marka loo eego ciidanka boliiska haweenka kujira ee abid gaarta darajada Gaashanle sarre.

Faadumo xasan Maxamed ( Neero )  oo ah madaxa hogaanka is dhaxgalka bulshada iyo boliiska  , faadumo waxa ciidanka boliiska soomaaliyeed kusoo biirtay 1971 , intaasina waxa ku dhaxjirtay howlaheeda , iyadoo meelo kala duwan kasoo shaqeysay ee boliiska ah .

”   taliyaha  ciidanka boliiska   ayaan ugu horreynta u mahadcelinayaa taliyaha, isago mudnaanta siiyay gabdhaha , aniga 1971-dii ayaan soo qortay ciidanka boliiska ,  taliyaha boliiska waa shaqsi  xaqa yaqaano , gabdhaha tiro yar ayaan eheyn dhanka  gabdhaha boliiska kujiray  , haatan wey saaideen  ku dhawaad waxaan iminka nahay kun ”  ayay tiri gaashanle sarre faadumo xasan maxamad.

Taliyaha waxa uu sidoo kale u xiray darajada madaxa waaxda ka hortaga tacadiyadda haweenka iyo caruurta Dhamme  Idil cabdullaahi xasan iyo kuxigeenkeeda  Dhamme Raxma salaad maxamad  ayaa dhankooda u mahadceliye sareeye gaas maxamad shiikh xasan xaamud kuna amaanay dalaalka dheeriga ah uu galiyo ciidanka boliiska gaar ahaan haweenka .

”  waxaanu eheyn markii loo eego boliiska in gabdhaha la arki jiray kaliya xiliyada 20 Desembar oo ah aas aaska ciidanka boliiska , mana jirin in goobo kale nagula arko , hase yeshee maanta waxaanu nahay kuwo laqeyb sanaayo ragga howlaha ay hayaan ,taasina waxaa mahadeeda leh taliyaha ciidanka boliiska soomaaliyeed sareeyo gaas maxamad shiikh xasan xaamud ” ayay tiri Dhamme raxma salaad Maxamad .

Taliyaha ciidanka boliiska  S/G maxamad shiikh xasan xaamud  oo ugu dambeyn ka hadlay goobtii dalacsiinta loogu xeraaye saraakiishaan gabdhaha ah   ayaa sheegay in ku dadaalan in la xoojiyo boliiska taasina ay keentay in la dhiso waaxda isdhaxgalka bulshada iyo boliiska soomaliyeed , Faadumana tahay gabashii ugu horeysay ee boliiska soomaaliyeed taariikhdiisa gashan .

g1 g2 g3-1 g4-2 g5-2 g6-1 g7-1 g8-1 g10-1 g11-1 g12-1 ga7-1 ga13-1 ga14-1 ga15-1 ga16-1