Animation

Daawo Sawirro: Dhaawacyada Ciidamo ka tirsan Dowlada oo loo qaaday Wadanka Sacuudiga Kadib Markii….

no responses
Tuesday October 25, 2016 - 9:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamo ka tirsan kuwa Qaranka Soomaaliya oo muddooyinkaan ku sugnaa cisbitaalda magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Sacuudiga Carabiya,kadib kolkii ay madaxda  dalkaasi ka heleen gurmad caafimaad.

Ciidamadaan oo gaaraya 16-askari,ayaa warku intaa ku daray in ay qabaan dhaawacyo kala duwan,kadib markii ay ka qeybgaleen dagaallo looga horjeeday kooxda Al-shabaab,halka qaar kale uu dhaawac ka soo gaaray qaraxyo kale.

Maalinimadii shalay ciidamadaasi bukaanka ah waxaa  Garoonka Diyaaradda ee Aadan Cadde ka qaaday diyaarad  qaar ah oo Dowladda Sacuudiga ay u soo dirtay si dalkaas ay uga helaan daaweyn samofal ah

Wasiirka  Gaanshaandhiga dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale,ayaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay ciidamadaasi loo qaaday daaweyn dhinaca dibadda ah.

111 112 113-2 114-1 115