Animation

Daawo Sawirro: Codeynta doorashada Madaxtinimada Soomaliland oo Saakay ka bilaabatay deegaanada Maamulkaasi

no responses
Monday November 13, 2017 - 11:29 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Shacabka ku nool deegaanada Somaliland ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad tan iyo markii uu Maamulkaasii ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, in ka badan shan iyo labaatan sanno ka hor.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay rajaynayaan in codbixinta ay xoojin doonto kiiskooda ay ku baadigoobayaan aqoonsiga caalamiga ah.

Afhayeenka guddiga doorashada ee Somaliland Siciis Cali Muse ayaa sheegay in uu goobo badan soo kormeeray kuwa kalana lala xiriiray, codayntu ay billaabatay 7:00 subaxnimo.

Codaynta ayaa la soo afjari doonaa 6:00 makhribnimo.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Shaqo-la’aanta ayaa ka mid ah ah arrimaha muhiimka ah ee isha lagu hayo, iyadoo boqolkiiba todobaatan iyo shan dadka da’da yar aanay wax shaqo ah haysan.

Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxa ay ku baaqeen in maalinta codbixinta la xayiro isticmaalka baraha bulshada si looga hortago in barahaasi lagu faafiyo warar been abuur ah.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.