Somali News

Daawo Sawirro: Dabkii ka kacay suuqa bakaaraha waa la damiyay guddoomiyaha gobolka banaadir ayaana booqday

Baabuurta dab-damiska ayaa ku guuleestay in ay baqtiijiyaan dabkii xooganaay ee xalay ka kacay suuqa bakaaraha oo soo gaaray ilaa iyo saakay.

Dabka oo aad ugu fiday qeybo badan oo suuqa kamid ah ayaa marka hore waxa uu kasoo bilowday suuqa khaliifa loo yaqaan ee alaabaha badan lagu iibiyo isagoona amrkii dambe kusoo fiday goobo ganacsi oo suuqa ku yaala.

Gaadiidka dabdamiska ee dowladda Hoose ee Xamar iyo kuwa ay leeyihin shirkado si gaar ah loo leeyahay ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabkii saaka ka kacay suuqa bakaaraha.

Dabka ayaa waxa uu geystay qasaaro badan oo hantiyadeed, waxaana uu saameeyey qeybo badan oo ka mid ah Suuqa.

Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhimatay dabkaan iyadoona 1 qof uu dhaawac soo gaaray kadib markii ay ku caburmeen qiiqa dabka uu dhaliyay.

Dabka ayaa markii hore ka kacay Suuqa Maacuunta isaga oo markii danbe ku siifiday qeybo badan oo suuqa ka mid ah, sida qeybta bacadlaha, dahablaha iyo Qeybta ay Isticmaalaan Dadka Farsamada Gacanta wax ku soo saara, Dabka ayaana gebi ahaanba baabiyey Suuqa Maacuunta oo Baaxad Weyn ku fadhiya.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho ayaa booqday suuqa uu dabka ka kacay ee bakaaraha.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in la furo wadooyinka waa weyn ee soo gala Suuqa Bakaaraha, Maadaam ay doonayaan in ay badbaadiyaan hantida ku gubanaysa Suuqa Bakaaraha.

Related posts

Akhriso+Sawiro:- Akhriso Qodobada looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo xaalada Dalka looga hadlay

Tifaftiraha K24

Dowladda mareykanka oo IIraan ku eedeysay in gantaalladii sacuudiga lagu duqeeyay ay siisay Xuuthiyiinta

admin

Dowaldda Soomalia ayaa sheegtay in ay Baareyso dadkii Ciidamada Amisom ay ku laayeen Muqdisho

admin