Animation

Daawo Sawirro: C/raxmaan C/shakuur, Cali Ameeriko iyo Musharixiin kale oo Maanta Isdiiwaan galisay

no responses
Saturday January 28, 2017 - 3:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Maxamad Cali Nuur Ameeriko iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Maanta Si Rasmi ah Isku diiwan galiyay waxaana Xarunta Guddiga Doorashada Lagu guddoonsiiyay Shahaadooyin Cadeynaya in Musharixiin ay yihiin Xilka Madaxweyne ay u tartami karaan.

Labadan Musharax waxa ay ka mid yihiin Dhowr musharax oo maanta Iska soo diiwaan galiyay Guddiga Doorashooyinka Iyadoona ay xusid mudantahay in Maalinta beri ay ku egtahay waqtiga Isdiiwaan galinta Musharixiinta Madaxweyne.

Musharax C/raxmaan C/Shakuur ayaa Bartiisa Facebooka kusoo daabacay Isagoo la gudoonsiinaayo Shahaada ka qeyb galista Tartanka loogu jiro Kursiga Madaxweynaha.

“Waxaan maanta gudoomay shahaadadii u tartanka xilka madaxweyne. Waxaan buuxiyey dhamaan shuruudihii la iska doonayey Waxaan saxiixay habraaca anshaxa doorashada” ayuu yiri Musharax Shakuur.

Sidoo kale Musharax C/raxmaan ayaa codsi u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya wuxuuna yiri” Waxaan ka codsanayaa xildhibaanada sharafta leh in ay qiimayn mug leh ay si miisaaman ugu sameeyaan barnaamijka samata bixinta qaranka ee ISKUTASHI, codkoodana i siiyaan si aan wadajir ugu meelmarino ISKUTASHI qarankana uga samata bixino khilaafka gudaha iyo qoortaynta shisheeye ayuu yiri Musharaxa”.

Waxaa sidoo kale maanta isdiiwaan galiyay Farole,Cali Xaaji,Siciid Deni.

Musharixiinta ilaa iyo hada Isdiiwaan galisay waxa ay ka badanyihiin 15 Musharax waxaana qeyb ka ahaay Xubnihii maanta Isdiiwaan galiyay Musharax Xasan Shiikh oo Hada ah Madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

Facebook Comments