Animation

Daawo Sawirro: Ciidanka Jubbaland oo Ku Sii Fidaaya Deegaano Dhowr ah oo ka tirsan Jubbada Hoose iyo Dad Shacab ah oo….

no responses
Friday September 9, 2016 - 11:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM oo wali wada hawgallo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa isku sii fidinaya Deegaanno hor leh oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Xooggaga wada jira ayaa shalayto guluf xooggan kula wareegay Tuuladaasi Bir Cabdalla iyo nawaaxigeed oo ay horay ugu sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab,iyadoo aysan jirin wax qasaare ah dhanka Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrikaba ka soo gaaray duullaankaas.

Ciidamada ayaa la sheegayaa iney Maanta ku wajahan yihiin degaanka Beer xaano oo iyana ka mid ah goobaha fara ku tiriska ah ee ay Maleeshiyada Al-shabaab kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa horay ugu dhawaajiyay iney sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo afjari doonaan Kooxda Al-shabaab, si ay meesha ugu baxaan weerarrada naf la caari nimo ee ay Ummadda ku halligayaan.

 

2-7 3-6 4-6 5-5 6-2 7-1 8 9 10 11 12 13 14