Animation

Daawo Sawirro: Ciidamo Soomali ah oo Tababar xoogan uu kaga socdo Wadanka Turkiga

no responses
Thursday January 26, 2017 - 4:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wadanka Turkiga waxaa ku sugan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdalla Xuseen Cali Isagoona Maanta Booqday Xarun lagu tababaraayo Ciidamo Soomali ah oo Dowlada Federaalka loo dhisaayo.

Booqashada Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya waxaa ku wehlinaayay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga iyo sii haayaha safiirka Soomaaliya ee wadanka Turkiga.

Ciidamadaan dowladda Turkiga ay u tababareyso Soomaaliya ayaa waxay isugu jira ciidanka Badda, Cirka iyo Dhulka iyadoona loo tababarayaa ciidamadaan Saraakiil, Saraakiil ku xigeeno iyo Dable.

Mudane Cabdalla Xuseen Cali Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya ayaa Mahad balaaran u jeediyay Dowlada Turkiga oo Isku xil qaantay dhismaha Ciidamada Qalabka Sida ee soomaliya Hadana ay tababar kala duwan ay siineyso Ciidamo soomali ah oo Darajooyin kala duwan loo tababaraayo.

Ugu Dambeyn Wasiir ku xigeenka waxa uu Dar daaran u jeediyay Ciidamada Tababarka uu u socdo Isagoona kula dardaarmay in ay u dhabar adeegaan Mudada uga harsan tababarkooda.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada