Animation

Daawo Sawirro: Safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo Albaabada La isugu Dhuftay Kadib Markii ay ka dhacday Toogasho

no responses
Friday October 28, 2016 - 8:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamada Ilaalada Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi ayaa Maalinti Shalay aheyd Waxa ay Toogasho ku dileen Nin ay ku eedeeyen in uu weerar kusoo ahaa safaaradda Islamarkaana uu isku dayay in uu qoriga ka xoogo Mid kamid ah Ilaalada Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi.

Ninka ay dileen ciidamada ammaanka ilaalinaya safaaradda Maraykanka ee Gigiri, Nairobi maalintii khamiista , October 27, ayaa la aqoonsaday.

Saraakiisha ammaanka ee safaaradda Maraykanka ayaa sheegay in ninka la dilay uu kasoo jeeda deegaanka Wajeer iman.

Ninka oo ku hubeysna mindi ayaa la sheegay inuu weeraray sarkaal bilayska GSU ah oo ilaalinayay safaaradda.

Sida laga soo xigtay markhaatiyaal, marxuumka ayaa isku dayay inuu ka xoogo qoriga sarkaalka booliiska islamarkaana uu xoog ku galo safaaradda ka hor inta la toogan.

Qodka Weerarka soo qaaday oo lagu tuhunsan yahay inuu yahay xubin ka tirsan al-Shabaab, ayaa loo aqoonsaday Abdimahat Ibrahim Hassan oo 24-sano jir kana soo jeeda deegaanka Wajeer.

Safaaradda Wadanka Maraykanka uu ku leeyahay Magaalada Nairobe ee Dalka Kenya ayaa si ku meel gaar ah loo xiray, kadib markii Nin lagu toogtay Iridka hore ee dhismaha Safaaradda maalintii shalay aheyd.

War la soo saartay website-ka safaaradda ayaa lagu sheegay inay sii xirnan doonto tan iyo 31-ka bishan oktoobar, markaasi ayay shaqadeeda dib u bilaabi doontaa, inkastoo hawlaha deg deg ah ay qaban doonto Muwaadiniinteeda Maraykanka ah iyagu way heli doonaan, sida uu sheegay Safiirka Maraykanka.

War-Saxaafadeed laga soo saaray Safaaradda Maraykanka ee Magaalada Nairobe aya lagu sheegay in Ninkii toogashada lagu dilay uu heystay Mindi, islmarkaana uu dhowr mar isku dayay inuu gudaha u galo blasé ay joojiyeen Ilaalada albaabka oo Kenyaan ahaa, wuuna isku adkeeyay, taasi ayaa keentay in ay toogashadu dhacdo.

FPI-da Dalka Maraykanka ayaa baaraysa sida ay wax u dhaceen iyo Ninka la tuhunsan yahay waxa uu damacsanaa.

Armed U.S. Embassy personnel stand guard near to the body, right, of a man who was killed outside the U.S. Embassy in Nairobi, Kenya Thursday, Oct. 27, 2016. The man was shot dead after stabbing a policeman guarding the perimeter wall of the U.S. Embassy in Nairobi and trying to take his gun, a Kenyan police official said Thursday. (AP Photo/Moses Muoki)

Armed U.S. Embassy personnel and Kenyan police stand guard near to the body of a man who was killed outside the U.S. Embassy in Nairobi, Kenya Thursday, Oct. 27, 2016. The man was shot dead after stabbing a policeman guarding the perimeter wall of the U.S. Embassy in Nairobi and trying to take his gun, a Kenyan police official said Thursday. (AP Photo)

us1

1477627833e6421 1477627851c7265 1477627820230b9 14776278411347d