Animation

Daawo Sawirro: Banaanbax Roob doon ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Masuuliyiin ka qeyb gashay

2 responses
Monday November 14, 2016 - 10:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Mas’uuliyiin ka socda Wasaaaradda Diinta Awqaafta, Hay’adda Culimada Soomaaliyeed  iyo Qeybaha Bulshada Sida: Culuma-udiinka, haweenka dhallinyarada iyo Ardayda Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ayaa maanta sameeyey Banaanbax Roob-doon ah oo Alle looga baryayay  in uu Ummadda Soomaliyeed ka dulqaado Abaaraha iyo Colaadaha ka jira qaar ka mid ah goballada Dalka.

Dadka soo dibadbaxay ayaa Salaad Alla Bari ah ku tukaday Masjidka isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho. waxaana Salaada kaddib loo duceeyay  dhammaan Ummadda Soomaliyeed in uu Alle ka dulqaado dhibaatada.

Sheekh Cali  Max’uud (Sheekh Cali Dheere) oo warbaahinta Qaranka lahadlay ayaa ugu baaqay shacabka iney jogteeyaan dibadbaxyada Alla bariga ah ee noocaan oo kale ah.

“Dhammaan gobollada dalka waan la wadaagnay iney sameeyaan dibadbaxan oo kale, si Ilaahay uu dhibaatooyinka abaaraha iyo colaadaha uga dulqaado shacabka Soomaaliyeed”

Ciidammada Ammaanka ayaa si weyn u adkeeyey amniuga goobta dibadbaxa Roobdoonka lagu sameeyey waxaana faahfaahin ka bixiyey Taliyaha qeybta Waliyow Cade ee Degmooyinka Waabari Xamar Jabjab Howl wadaag iyo Hodan Ciidanka Boliiska Soomaliyed G/Sare  Maxamed Daahir.

Qaar kamid ah Gobalada dalka ayaa waxaa xilgan kajira abaaro galaaftay nolasha dadka iyo duunyada iyo colaado sokeeye, waxaana dhanka kale socda dadaallo ay isku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed.

fb_img_1479118470704 fb_img_1479118476454 fb_img_1479118478896 fb_img_1479118480898 fb_img_1479118483106 fb_img_1479118484856 fb_img_1479118488247 fb_img_1479118490137 fb_img_1479118492015 fb_img_1479118494886 fb_img_1479118497437 fb_img_1479118499648 roob1-1024x682 roob2-1024x682 roob3-1024x682 roob4 roob5-1024x682fb_img_1479118468717