Animation

Daawo Sawirro: Banaanbax looga soo Horjeedo Dilalka loo geesto Dadka Waxgalka u ah Bulshada oo Maanta ka dhacay Magaalada….

no responses
Saturday October 29, 2016 - 1:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dibad bax ay soo agaasimeen bahda Waxbarashada oo  lagu diidan yahay dilalka qorshaysan ee loogu gaysanayo Degmada  dadka indhaha u ah bulshada ayaa lagu qabtay garoonka Kubadda cagta ee Roobda’ay  ee magaalada Caabudwaaq, waxaa  kala qayb galay Bahda waxbarashada oo banaanbaxa soo agaasimay, Waalidiin iyo ardayda wax ka barata Iskuulada degmada iyo Jaamacadda Galgaduud

Dadka dhigayay mudahaardka maanta oo u badnaa bahda waxbarashada ayaa ka caroodey dilkii ugu dambeeyay oo si gaara u saameeyay Bahda waxbarashada kaasi oo loogu gaystay Degmada 27.kii bishan Macalin Khadar Maxamuud Axmed oo kamid ahaa macaliniinta Iqra iskuul.

Madaxa Arimaha Bulshada ee maamulka degmada Muuse Maxamed Axmed (Muuse Inji) oo ugu horeyn ka hadlay Banaanbaxa ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilka macalinka iyo dilalkii ka horeeyay

Qaar kamid ah Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarashada, Macalimiin, Waalidiin iyo Ardayda ayaa dhankooda si isku mid ah uga hadlay Banaanbaxa maanta, iyaga oo muujiyey dareenka uu ku reebay dilkii Macalin khaddar loogu geystay degmada khamiistii ina dhaaftay

Ugu Dambayn madaxa Waxbarashada degmada Cabdinasir Caga-weyne oo ka qayb galay banaanbaxa maanta ayaa shegay in mudo sadex cisha ah ay xirnaan doonaan gobaha waxbarashada si loogu baroordiiqo Macalin Cabdikhadar Maxamuud Axmed oo ka mid ahaa macalimiinta degmada

dscn8466 dscn8477 dscn8480 dscn8481 dscn8482 dscn8487 dscn8493 dscn8495 dscn8497 dscn8498 dscn8499 dscn8500 dscn8513 dscn8517 dscn8520 dscn8522 dscn8524 dscn8528 dscn8532 dscn8534 dscn8535 dscn8537 dscn8540 dscn8545 dscn8550 dscn8555 dscn8565 dscn8568 dscn8582