Animation

Daawo Sawirro: Alshabaab oo soo bandhigtay qasaaraha ka dhashay dagaalkii bariire ka dhacay iyo gaari gubtay oo yaala…

no responses
Sunday June 11, 2017 - 9:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xarakada alshabaab ayaa soo bandhigtay sawirrada baabuur dagaal oo ay sheegeen in ay ku gubeen dagaalkii cuslaay ee shalay ka dhacay deegaanka bariire ee gobolka shabeellada hoose.

Warbaahinta alshabaab ee baraha internetka ayaa lagu baahiyay sawirrada gaari taaw ah oo lagu sheegay in mareykanka looga gubay dagalakii bariire ka dhacay.

Gaarigaan ayey shabaabka sheegeen in ay wateen ciidamo isugu jira mareykanka iyo amisom iyo kuwa dowladda waxaana uu ka qeyb qaadanaayay dagaalkii shalay halkaasi ka dhacay sida warbaahinta afka shabaabka ku hadashay lagu baahiyay.

Shabaabka waxa ay sheegeen in dagaalkii bariire ee gaarigan lagu gubay ay ku dhinteen ugu yaraan 7 askari oo isugu jira ameerikaan iyo afrikaan.

Shabaabka waxay kaloo sheegteen in dhamaan deegaanadii shalay lagu dagaalamay ay iyaga hada maamulayan xaaladdana ay tahay mid dagan.

Ciidamadii huwanta ee weerarka shalay soo qaaday ayaa dib ugu laabtay saldhigyadii ay shalay aroortii kasoo baxeen waxaana ay dib uga ruqaansadeen deegaano badan oo shalay ay la wareegeen.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada