Galmudug ayaa sheegtay in Diyaarado dagaal ay duqeeyen Saldhig aay Ciidamadooda ku sugnaayeen iyadoona duqeyntaasi ay ku geeriyooday Askar ka tirsan Ciidanka Galmudug.
Sawirro lagu baahiyay Barta Bulshada ee Faceboook oo qeyb ka mid ah ay heshay K24 ayaa waxa ay Muujinayaan in Gaari dagaal oo Galmudug ay leedahay in Duqeynta lala beegsaday iyadoona gaariga uu ka muuqdo Bur bur xoogan.
Galmudug waxa ay duqeyntaasi ku sheegtay in ay u maleyneyso in diyaarado dagaal oo mareykanka uu leeyahay in ay Fuliyeen inaksto warkaasi aysan Galmudug Xaqiijinin Diyaarada Halka laga leeyahay.
Saraakiisha Puntland oo warbaahinta la hadlay Dhankooda waxa ay sheegen in dagaal ay la galeen Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab waxaana warka Puntland uu u Muuqday in ay Masuul ka aheyd Duqeynta diyaaradaha Maadama ay dagaalka u ku sheegtay in uu dhexmaray Alshabaab iyo Puntland sidaasina Diyaaradaha ay uga qeyb galeen dagaalka.
Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada