Daawo Sawirrada: Qaraxa ka dhacay Agagaarka Hotel Wehliye iyo Tirada Dhimashada oo Kor u dhaafeysa….

0

Inta la xaqiijiyay 6 Ruux ayaa ku dhimatay 21 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax Galabta ka dhacay agagaarka hotelka wehliye ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay agagaarka hotelka Wehliye oo saaran wadada maka al-mukarama.

Gaadiidka gurmadka deg dega ee Ambulance ayaa goobta ka daad gureeyay dhaawacyada waxaana hey’adda Aamin Ambulance ay xaqiijisay dhimashada 6 Ruux iyo Dhaawaca 21 kale oo dhamaantood shacab ah.