Animation

Daawo Sawirrada: Qarax Saakay ka dhacay Dagmada Xamar-weyne iyo Qasaaro kala duwan oo soo Gaadhay Ciidamada….

one response
Sunday November 20, 2016 - 9:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah Faahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo Baxayan Qarax Saakay ka dhacay Dagmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.

Inta la Xaqiijiyay Qaraxa waxaa ku Naf-waayay Laba askari Halka Laba kalana ay ku dhaawacmeen Kadib Markii Saakay Qarax lala beegsaday Bar koontarool oo ciidamada booliska ay ku lahaayeen degmada X/weyne.

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa Minoo dhulka lagu Aasay oo Horay loo sii galiyay Barta ay Ciidanka Booliska ku suganyihiin waxaana La ogeyn Sida Qaraxan Goobtaasi loo galiyay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/Fitaax Cumar Xalane ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaraxa Qasaarahiisa uu aad u Koobnaay sidii Hadalka u dhigay Afhayeenka.

Muqdisho Qaraxyada waxa ay ka dhacaan Markasto Goobaha Ciidamada Dowlada ay ku suganyihiin iyo Hoteelada Iyadoona inta badan Dhibaato ay ka soo gaahdo Dad shacab ah.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Qaraxa.

q qq qqq qqqqq qqqqqq qqqqqqqq