Animation

Daawo Sawirrada: Qarax ay ku dhinteen Ugu yaraan 100 Ruux oo ka dhacay Koonfurta Magaalada….

no responses
Thursday November 24, 2016 - 7:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ugu yaraan 100 oo Shiico ah ayaa ku geeriyootay Qarax xoogan oo lala eegtay Xili ay ka soo laabteen Ziyaaro ka dhaceysa magaalada Karbala ee Dalka Ciraq.

Qaraxa ayaa lala beegsaday saldhig batrool iyo maqaayad oo u dhawaa al-Hilla, oo 100km (60 miles) ka xigta koonfurta Baqdaad.

Jidka ayaa waxaa ka buuxay dad ka soo noqonaya siyaarada Arbaeen ee magaalada Karbala. Madaxa ammaanka gobolka, Falah al-Radhi, ayaa sheegay dadka dhintay inay u badnaayeen reer Iran.

Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka ee IS, ayaa sheegtay inay qaaday weerarka.

Basas waday Shiicada Iran oo siyaaranayay ayay u eg tahay in lagu beegsaday weerarka, oo ka dhacay meel u dhow tuulada Shomali.

Mr Radhi BBC u sheegay in ku dhawaad 80 qof ay ku dhinteen qaraxa, in ka badan labaatana ay ku dhaawacantay. Dhimashada ayaa la filayaa inay badato.

” Waxaa jira ugu yaraan 70 dhimasho, in ka yar 10 ayaa ah reer Ciraaq, inta kale waa reer Iran,” ayuu Mr Radhi u sheegay AFP.

Iraqi men react at the site of a suicide truck bomb attack, at a petrol station in the city of Hilla south of Baghdad, Iraq, November 24, 2016. REUTERS/Alaa Al-Marjani

Iraqi security forces gather at the site of a suicide truck bomb attack, at a petrol station in the city of Hilla south of Baghdad, Iraq, November 24, 2016. REUTERS/Alaa Al-Marjani

A man reacts at the site of a suicide truck bomb attack, at a petrol station in the city of Hilla south of Baghdad, Iraq, November 24, 2016. REUTERS/Alaa Al-Marjani

A man reacts at the site of a suicide truck bomb attack, at a petrol station in the city of Hilla south of Baghdad, Iraq, November 24, 2016. REUTERS/Alaa Al-Marjani