Animation

Daawo Sawirrada: Puntland oo Maanta soo Bandhigtay Gaadiid Dagaal oo ay ku sheegtay in Galmudug ay uga qabatay Dagaalkii Galkacyo

2 responses
Sunday November 6, 2016 - 3:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar Dheeraad ah ayaa waxaa laga helaaya Dagaal Saakay ka qarxay Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Dagaalkaasi oo u dhaxeyay Ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka oo Markii hore Goos goos ku Bilowday ayaa Xoogeystay Barqanimadii Saakay wuxuuna kusii fiday Xaafadaha Magaalada Galkacyo.

ntla la xaqiijiyay Dagaalka ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhimatay inka badan 10 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 15 Qof.

Maamulada Galmudug iyo Puntland wey ka kala hadleen Iyagoona eedey isku Mariyay Warbaahinta oo Midba Midka kale ayuu ku eedeyay Dagaalka in uu Bilaabay.

Puntaland waxaa ay soo bandhigtay Gaadiid dagaal oo ay ku sheegeyso in ay kala wareegtay Maamulka Galmudug Balse Galmudug dhankeeda kama aysan hadlin in Baabur dagaal laga qabsaday.

Dagaalka hada xooga wuu yara Hakaday waxaana jirta Cabsi xoogan oo laga qabo in Markale uu dib u qarxo Maadama Ciidamada ay weli isku Horfadhiyaan Aagii lagu dagaalamay.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada 

1q-2 2q-2 3q-2 4q-2 img_1311-768x432 img_1314-768x1024 img_1315-768x1024