Animation

Daawo Sawirrada: Maxay tahay Sababta Marwada Xasan Shiikh ay Kooxaha Isboortiska ugu kala Xaglineyso???

2 responses
Wednesday November 23, 2016 - 10:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xafladan Casho-sharafta ah ee marwada Madaxweynaha JFS Sahra Cumar Xasan ay u sameysay Ciyaartoyuda iyo Maamulka kooxda Kubadda Cagta ee Banadir Sports Club ayaa ujeedkeeda uu ahaa inay dhiirigaliso islamarkaana taageero u muujiso Ciyaaryahanada Soomaaliyeed, gaar ahaan Kooxda Banaadir oo dhawaan ku guuleysta Horyaalka iyo Koobka Supper Cup-ka ee dalkeena.

Guddoomiyaha Kooxda Banaadir Sports Club Abuukar Maxamed Shiikh oo Xafladda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Marwo Sahra sida ay marwalba u garab taagan tahay ciyaartooyda Soomaaliyeed isagoon sheegay in haddii la tagaeero  Sportiga dalka uu qeyb ka qaadanayo Nabadeynta iyo is dhaxgalka Bulshada.

“Anaga Maamo Qaran ayaad noo tahay waana kugu amaaneynaa sidaa noo tagaeertay oo noo garab istaagtay anoo ku hadlaya magacaeyga, magaca ciyaaryahanada iyo maamulka kooxda Banaadir Sports Club, Maamo sidaa ogtahay sportigu waa is dhaxgalka bulshada haddii la tageero Nabad wey imaanee marka waa in sporitska waqti badan lagu bixiyaa”

Cantar Jeenyo oo ah khabiir sportis isla markaana kamid ahaa ciyaartoydii hore ee xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ku dhiirigaliyay ciyaarayanahada Somaaliyeed inay dadaalkooda laba laaabana ayna soo celiyaan taarikhdii Somaaliya ay ku lahayd Africa.

“Banadir Sports Club waa idiin hambalyeynayaa dadalakiina kordhiya waxaa rajeynaa inaad noo keentaan Soomaaliya oo ku guuleysatay African Cup iyo wax kasii badan, guddoomiye Abuukar iyo teamkiisa waa dadaasheen meel fiican ayaad soo gaarsiiseen kooxda ee halkaas kasii wada waana idin tagaeerayaa aniga”

Marwada Madaxweynaha dalka Sahro Cumar Xasan oo ka hadashay gaba gabadii Xafladda casho sharafta ah ayaa ballanqaaday inay marwalba garab taganaan doonto ciyaartooyda Somaaliyeed ayna dhiirigalin doonto.

“Aniga Sahra ahaan waa garab istagi doonaa ciyaartooyda Somaaliyeed si ay heer u gaaraan waqti adag oo aysan dadku socon karin ayaan habeen ciyaaro uga qeybgalay Koonis weyna og yihiin ciyaartooyda sidana u tagaeerayo marka aan is garab istaagno marwalba”

Gaba gabadii xafladda ayaa maamulka kooxda Banadir sports club waxay halkaasi shahaado sharaf ku gudoonsiiyeen Marwada Madaxweynaha dalka Sahro Cumar Xasan taas oo ay ku sheegene inay ku muteysatay sida u agarab taagan tahay marwalba ciyaartooyada Somaaliyeed

Kooxda Banaadir Sports Club ayaa ah kooxdii ugu horreysay ee Horyaalka dalkeena keenta ciyaartoy iyo macallimiin ajaanib ah, iyadoo macallinka haatan leyliya uu yahay macallin ajnabi ah oo u dhashay dalka Ugandha.

vlcsnap-2016-11-23-09h42m20s29 vlcsnap-2016-11-23-09h42m31s151 vlcsnap-2016-11-23-09h42m42s7 vlcsnap-2016-11-23-09h42m53s122 vlcsnap-2016-11-23-09h43m09s35 vlcsnap-2016-11-23-09h43m18s111 vlcsnap-2016-11-23-09h43m26s196 vlcsnap-2016-11-23-09h43m33s8 vlcsnap-2016-11-23-09h43m48s152 vlcsnap-2016-11-23-09h43m55s231 vlcsnap-2016-11-23-09h44m07s82 vlcsnap-2016-11-23-09h44m20s207 vlcsnap-2016-11-23-09h44m30s56 vlcsnap-2016-11-23-09h44m50s10 vlcsnap-2016-11-23-09h45m16s7 vlcsnap-2016-11-23-09h45m33s184 vlcsnap-2016-11-23-09h45m42s19 vlcsnap-2016-11-23-09h45m52s103 vlcsnap-2016-11-23-09h46m04s243 vlcsnap-2016-11-23-09h46m16s94 vlcsnap-2016-11-23-09h46m24s188 vlcsnap-2016-11-23-09h46m54s220 vlcsnap-2016-11-23-09h47m12s153