Animation

Daawo Sawirrada: Maxaabiistii Saakay Taliska Galmudug ay kusoo Bandhigeen Magaalada Galkacyo oo qaar kamid ah ay Jubbaland ka tirsanyihiin

no responses
Tuesday October 25, 2016 - 1:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Galkacyo Maanta waxaa lagu soo Bandhigay Maxaabiis ay Galmudug sheegtay in ay ka qabatay Dagaaladii ka dhacay Galkacyo ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Puntland.

Maxaabiista laso Bandhigay oo gaarayay ilaa 3 Askari ayaa la sheegay in qaar kamdi ah ay ka tirsanyihiin Maamulka Jubbaland ayna ka bar bardagaaameeyn maamulka C/Wali Gaas ee Puntland.

Askartaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamo badan oo Jubbaland ka tirsan Lagu soo daabulay Hal diyaarad lagana soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Galkacyo.

Taliska Booliska Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegay in Ciidankan ay ku qabteen Dagaalkii galkacyo ka dhacay waxaana taliska uu xusay in qaar kamid ah Ciidankaan ay ka tirsanyihiin Maamulka Jubbaland.

Goordhaw Waxaan Idin soo Gudbin Doona Wareysiga laga qaaday Ciidanka la qabtay

 

01-6 2-9 dsc07688-640x360