Animation

Daawo Sawirrada: Hay’adda SORRDO GALMUDUG oo Deeq gaarsiisay Qoysaska ku baracakay Bariga Magaalada Galkacyo

no responses
Thursday November 24, 2016 - 2:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Masuuliyiinta Maamulka Dagmada Galkacyo aya Maanta waxa ay Deeq Baco ah ay gaarsiiyeen Dadkii dhawaan ka barakacay Galkacyo ee ku sugan Deegaanka Xaar oo qiyaas ahaan 9KM Dhanka Bariga kaga beegan Magaalada Galkacyo.

Duqa dagmada dagmada Galkacyo xirsi yuusuf barre oo Hormuud ka ahaay Qeybinta deeqdaan la gaarsiiyay Qoysaska Barakacayaasha ayaa waxa uu sheegay in Deeqdaan ay waxbadan u tari doonto qoysaska ka barakacay Magaalada Galkacyo.

” Deeqdaan waxaa bixiyay  Hay’adda SORRDO GALMUDUG waana mid loogu talagalay in la gaarsiiyo qoyasaska u baahan aad iyo aad ayaana uga mahad celineynaa dadkani waxay qabaan baahiyada asaasigaa oo dhan hadeey noqon laheyd cunto biyo iyo caafimaad marka waxaan ugu baaqeynaa hay’addaha samafalaka iyo dadka ilaaheey wax siiyay ineey usoo gurmadaan qoysaskaan Abaaraha iyo Colaada isugu darsantay ”  ayuu yiri Duqa dagmada Galkacyo mudane xirsi yuusuf Barre.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

1-3-640x360 1-4-640x360 1-6-640x360 1-12-640x360 1-13-640x360 1-16-640x360 1-17-640x360 1-19-640x360 1-21-640x360 1-23-640x360 1-25-640x360 1-28-640x360