Animation

Daawo Sawirrada: Furitaanka Shirka Tallo Qaran Ee Madaxweyne Xasan Uu Maanta Daah furay

one response
Sunday November 20, 2016 - 5:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir hal maalin ah oo loogu magac daray Talo-Qaran, kaasoo ay dadweynaha ku dhiibanayaan talooyinkooda.

Shirka  Talo-Qaran waxa uu tilmaamayaa Lix tiir ama qodob,  sida Amniga Cadaaladda, Waxbarashada, Caafmaadka, Dhaqaalaha iyo Waddaniyadda, siyaasadooduna waxaa lagu lifaaqayaa talooyinka ay bixiyaan dadweynihii Soomaaliyeed ee Madashaasi isugu  yimid.

Dadka ka soo qeyb-galay waxa ay ahaayeen saraakiisha Ciidammada, Khabiirro Cadaaladda bartay, Aqaaoonyahanno, Dhaqaatiir, Siyaasiin iyo dadweyne kale. madasha Talo Qaran waxaa soo agaasimey Qaasim Maxamed Cali oo ah La taliyaha Madaxweynaha.

Madaxweynaha J..F Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Daah-furay Madasha Talo-Qaran, waxa uu ka jeediyey khudbad ka hadleysay Lixda Qodob ee talooyinka u baahan, ahna kuwa ugu muhiimsan dal ama dowlad jirta leeyihiin.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Shirka

ib0a9554 ib0a9580 ib0a9581 ib0a9594 ib0a9604 ib0a9608 ib0a9616 ib0a9624 ib0a9626 ib0a9753 ib0a9779