Animation

Daawo Sawirrada: Dhismaha Xabsi weyn oo Beesha Caalamka ay Maalgalineyso oo Muqdisho ka socda iyo Masuuliyiin Booqatay

no responses
Tuesday January 10, 2017 - 7:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibrahim Iidle Suleymaan oo  ay wehliyaan Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka  Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka  Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa  maanta booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo KM7 Ex Xaruntii hore ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Xabsigan ayaa ka kooban dhismo weyn oo leh qolol Maxaabiista lagu xiro, Goobo waxbarasho oo dadka Xabsiga lagu soo xiro lagu barayo Aqoon diini, maadi iyo Farsamada gacanta ,Guryo ay ku shaqeeyaan Garsoorka, meelo loogu talo galay in Maxaabiista ay ku qaataan nasiino iyo Madadaalo oo leh Goroomo kubadda noocyadeeda kala duwan lagu cayaaro  iyo baraago Dabaasha loogu talo galay, waxaana Xabsigan dhismihiisa qarashka ku baxaya bixinaya  Beesha Caalamka.

Mas’uuliyiinta uu hogaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleyman  ayaa mid mid usoo maray qeybaha xabsiga uu ka kooban yahay, iyagoo xog wareystay Injineerada fulinaya Dhismaha Xabsiga.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, oo kormeerka dib Wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in Mashruuca dhismaha Xabsigan lasoo gabagabeyn doonno Bartamaha Sanadkan bilowga ah 2017,isagoo tilmaamay in Mashruucan uu qeyb ka yahay Qorshaha Horumarineed ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu wado.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay in Xabsigan Dhismhiisa gabagabada uu marayo uu   yahay Magaalo dhan oo dhaqan celin ah, isagoo meesha ka saaray in Xabsiga uu noqon doonno Goob maxaabiista lagu ciqaabo.

Bartmaha Sanadkan 2017 ayaa lasoo gabagabeynayaa Wajiga koowaad ee Dhismaha Xabsigan,iyadoo markaasi kadib la guda gali doonno wajiga labaad ee Mashruucan, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaana sheegay in qorshaha uu yahay in dhammaan Xabsiyadda Dalka dib loo howlgalin doonno.

—-Dhammaad—

Xafiiska Warfaafinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Email:- asluubta.media@gmail.com

Muqdisho-Soomaaliya.

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

20170110_095800 20170110_100521 20170110_101026 20170110_101217 20170110_101306 20170110_101610 20170110_101654 20170110_112957

?

?

Facebook Comments