Animation

Daawo Sawirrada: Dab Xoogan oo ka kacay Suuq ay ku ganacsadaan Soomaalida ku Nool Wadanka…..

no responses
Thursday November 10, 2016 - 8:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dabkaan ayaa saqdi dhaxe ee xalay waxa u mar qura ka kacay suuqa weyn ee ganacsiga Magladtan Nampula ee Caasimada seddexaad Dalka Mozambique oo ay ku ganacsadaan boqolaal Soomaali ah.

Dabkaasi ayaa lagu sheegay inuu ka bilowday Koronto, waxaana uu geestay khasaaro aad uu faro badan oo ay ku hanti beeleen boqolaal Soomaali ah,mana jirto cid gacan ka geystay badbaadinta hantidaasi oo ay ka lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Ganacsatada Soomaliyeed ee Suuqaa Ku Ganacsaneysay ayaa sheegay in Qasaaro Badan oo Hanitiyadeed uu ka soo gaaray Dabka suuqa ka kacay.

Sanadkii la soo dhaafay ayay ahyed markii sidaan oo kale goobo ganacsi ay lahaayeen Soomaali iyo ajanib kale dab xog badan uu saameyaay gobahooda ganacsi Magaalo xeebedka Gobolka Cabo Delgado ee Magalda Bemba,Isla sanadkan ayaa sidan oo kale waxaa mar qura dab geestay khasaaro aad uu baxad weyn, waxa uu ka kacay suuqa weyn oo ay ku ganacsadaan Soomaali iyo ajaanib badan Magaalda Qualimane ee Gobolka Zambezi ee Dalka Mozambique

Kooxaha Gurmadka Deg dega ah ee Wadankaasi ayaana Marnaba wax gar gaar ah usoo Fidin Ganacsatada Soomaliyeed ee ku hanti beeshay Dabka ka kacay Suuqa Ganacsiga.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Suuqa oo aad u gubanaya.

dab dab1 dab2 dab3 dab4 dab5 dab6