Animation

DAAWO SAWIRO: Xafaladii Ballon d’Or Ee Uu Xalay Markii 5aad Ku Guuleystay Cristiano Ronaldo..

no responses
Friday December 8, 2017 - 8:47 under Maqaalo by gurey
mqdefault
Spread the love

Kadib markii uu abaal marinta Ballon D’or markii shanaad ku guulaystay ayuu Cristiano Ronaldo sheegay in uu waqti dheer sugayay abaal marintan shanaad wuxuuna xusay in uu rajaynayo in dagaalka u dhexeeya isaga iyo Lionel  Messi ee abaal marinaha shaqsiga ahi uu sii socon doono. Ronaldo ayaa ku celiyay sida uu u doonayo in uu abaal marintan Ballon D’or uu 7 jeer jeer ku guulaysto isla markaana uu yeesho 7 caruur ah.

Cristiano Ronaldo ayaa abaal marinta Ballon D’or ku garaacay Lionel Messi oo uu ka barbareeyay rekoodhkii shanta abaal marinood uu ku haysta wuxuuna 32 sano jirkan ree Portugal farxad ka muujiyay in uu markale gudoomay abaalmarintan.

Cristiano Ronaldo ayaa afar jeer ku guulaystay abaal marinta Ballon D’Or muddadii uu joogay kooxdiisa Real Madrid halka markiisii ugu horaysay oo ahayd 2008 kii uu abaal marintan ku soo guulaystay waqtigiisii Old Traffrod ee uu Manchester United ka tirsanaa.

Tobanka Xidig Ee Kaalmaha Sare Ka Galay Codbixintii Abaal Marinta Ballon D’Or ee France Football ee xalay:

1. Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

2. Lionel Messi (Barcelona)

3. Neymar (PSG)

4. Gianluigi Buffon (Juventus)

5. Luka Modric (Real Madrid)

6. Sergio Ramos (Real Madrid)

7. Kylian Mbappe (PSG)

8. N’Golo Kante (Chelsea)

9. Robert Lewandowski (Bayern)

10. Harry Kane (Tottenham)

Hadaba halkaan hoose ka daawo sawiradii ugu fiicnaa ee xalayto laga qaaday abaalmarinta Ballon d’Or ee markii shanaad uu ku guuleystay weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Facebook Comments