Breaking News Somali News

DAAWO SAWIRADII UGU DANBEYAY EE QARAXII IYO WEERARKII KA DHACAY TURKI

Dawladda Turkiga ayaa xirxirtay tiro dad ah oo ka soo jeeda qawmiyadda Uighur iyaga oo loo haysto weerarkii lagu qaaday baarka ee lagu dilay 39-ka ruux sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee dawladda.

Waxaa la rumaysan yahay in kuwa la xiray ay ka yimaadeen gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha kuwaas xiriir la leh ninka weerarka gaystay sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Ra’iisalwasaare kuxigeenka Turkiga, Veysi Kaynak ayaa isna sheegay in ay qarka u saran yihiin soo afmeeridda hawsha ninka weerarka gaystay oo uu sheegay in ay macquul tahay in uu ka soo jeedo qawmiyadda Uighur.

Xildhibaanno lagu xiray Turkiga

Xildhibaanno lagu xiray Turkiga

Dhanka kalana Khamiistan qarax ayaa ka dhacay baadiyaha magaalada Izmir oo ku taaalla galbeedka dalka Turkiga.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay labo gaadhi oo gubanaya waxaana la sheegay in toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Sawirro kale ayaa muujiyay wax u muuqda in uu yahay nin mayd ah oo qori watay, warbaahintuna waxay sheegtay in ninkaasi uu ahaa midkii weerarka soo qaaday oo ay booliisku toogasho ku dileen.

Wakaaladda wararka ee Anadolu waxaysheegtay in nin labaaadna la dilay laguna raaad joogo midkale oo saddexaad.

Attack in Izmir, 5 JanPolice special forces patrol outisde the Reina nightclub which was attacked by a gunman, in Istanbul, Turkey, January 3, 2017. REUTERS/Osman Orsal

Related posts

Wasiir Yariisow Nabaddoonkii xalay lagu dilay Wanllaweyn waa looma ooyaan.

gurey

Daawo: Kulan madaxtooyada ku dhexmaray dowladda iyo wafdi ka socda UN-ka, Midowga Africa, Ururka Caalamka Islaamka (OIC), xubno ka kala socday wadamada Sacuudiga, Kuwait, Qatar

Tifaftiraha K24

Daawo Quruxda iyo Bilicda Degaanka Calmadow Gobalka Sanaag” Qurba Joogey Dalkiina Dalxiis ku Macaan

Tifaftiraha K24