Animation

Daawo Sawirada : Socdaalkii ay Maanta Baled-xaawo ku tageen Wafdigii ka socday Dowladda Soomaaliya.

no responses
Tuesday November 17, 2015 - 5:50 under Arimaha Bulshada by admin
mqdefault
Spread the love

Baled-xaawo: Waxaa Goordhaweyd Socdaal Shaqo oo ay baledxaawo kusoo gaareen soo gaba-gabeeyey Wafdigii kasocday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu Hogaaminayay Wasiirka Gaashaan-dhigga Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo Xildhibaanadii ka tirsanaa Baarlamaanka.

Wafdiga oo Casho sharaf caawa loogu sameeyey Degmada Doolow ee Gobolka  gedo ayaa lafilayaa in maalinamada barito ah ay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho, kana warbixiyaan waxyaabihii ay lasoo kulmeen.

Sareeye gaas Cabdulqaadir Sheekh cali Diini wasiirka Difaaca Dalka oo warfidiyeenada kula hadlay Goobta ay Kenya kaga soo xadgudubtay Dhulkeena Soomaaliya ayaa sheegay in aan loo dulqaadan Karin xadgudubka heerkaasi gaarsiisan ee ay kuxuumadda Nairobi kawado xuduuda kala qeybisa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dhinciisa Gudoomiyaha Gudiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga arimaha Dibadda ee baarlamaanka Xildhibaan Prof Dhalxa ayaa sheegay ineey marqaati kayihiin xadgudub cad oo ay Kenya kusameysay Xuduuda Dalkeena iyagoo ku nuux-nuuxsaday in dowladda iyo shacabka soomaaliyeed  ay u istaagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen  xadgudubyada dhuleed ee ay dowladda Kenya sameysay.

Gudoomiyaha Degmada Baledxaawo Col Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir ‘kaanti” ayaa Dhiciisa Masuuliyiinta maanta soogaartay Baledxaawo uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay usoo ajiibeen baaqa ka maamul ahaan ay maalmo kahor u jeediyeen Dowladda Soomaaliya.

Gaba-gabadii socdaalka iyo booqashooyinka lagu tagay Xuduuda ay wadaagaan labada dal ayaa la isku waafaqay in si mideysan looga hortago xadgudubka dhuleed ee ay Kenya ku sameysay dhulka soomaaliyeed kaas oo ay baabi’say guud ahaan calaamadihii uu gumeystihii ingiriiska u kala xadeeyey Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Hoos Ka Daawo Sawirada Socdaalka Wafdiga Maanta Booqday Degmada Baledxaawo

M, Shaafici Cabdinuur

Baled-xaawo , Soomaaliya

 

image-3a64ea7988f6318e1530f278c4481aec28423da422bfadaabd33f3d4ad75495c-V image-31d7d87b2aaa82f3d0a9cfa9ad5df4aeb2d375078c6a27672a9c8ef78abcc2ff-V image-53c277f0f24a90044d6692e4594c935088e0c656d4c72bee016423c6224168df-V image-81d1e79ae0aafdb6220f30b5e17cedd35d571cf844994338f009fd8b3f75eb76-V image-872f43bb5833f9d3bc4d6567f774ff4e752a8cee39a2885ef50b2dbf7f00086f-V image-2868caba202f3b274ff7ec3247092d7df3e589a85e74a5daef7f4d774a6f4fe5-V (1) image-2868caba202f3b274ff7ec3247092d7df3e589a85e74a5daef7f4d774a6f4fe5-V image-8406c5a14f961950e4b49eff50b7d407208a4223727437c8b4f09c264ab6133b-V image-bbbfcb75e28c83960f15a661d4ff711711ab66eaab218a8d83b03ffef519b51a-V image-e0b42b0a2ca82e938a94532e16ac2964557aa8eaa19e29bd24ca22bfca1bb3a7-V

 

 

Facebook Comments