Animation

DAAWO SAWIRADA:-Madaxweynaha Masar iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain oo ku kulmay Magaalada London

no responses
Friday November 6, 2015 - 6:31 under Breaking News by admin
mqdefault

Madaxweynaha Wadanka Masar, Abdel Fattah el-Sissi oo booqasho taariikhi ah ku joogga Magaalada London, ayaa waxay Khamiistii ku kulmeen Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron.

Labada dhinac, ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha ammaanka, militariga iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya Britain iyo Masar.

Madaxweynaha Masar, ayaa Ra’iisal Wasaaraha u sheegay walaaca ay Dowladdiisu ka qabto tallaabada, ay Britain ku joojisay duulimaadyadii taggi jiray Magaalada Sharm El Sheikh.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain, Philip Hammond, ayaa wuxuu Arbacadii sheegay in soo dhicitaanka diyaaraddii Ruushka, ay u badan tahay mid ka dhalatay walxaha qarxa oo la saaray, taa oo dhalisay in la joojiyo duulimaadyadii ay diyaaradaha Britain ku taggi jireen Sharm El Sheikh.

Madaxweyne el-Sissi waxa uu si adag kaga horyimid in go’aan laga gaaro arrinta la xiriirta shilka diyaaradda, illaa iyo inta laga soo gaba gabeenaayo baaritaanada, ay iska kaashanayan Saraakiisha Ruushka iyo Masar.

Britain iyo Mareykanka, ayaa isku raacay in soo dhicista diyaaradda laga lee yahay Ruushka, ay ka dambeysay qarax horey loo saaray diyaaradaasi, ka hor intii aanay ku soo dhicin Gacanka Sinai.

Tani, ayaa waxay hoos u dhac weyn ku keentay dalxiiskii ay dadka Reer Galbeedku ku taggayeen Magaalada Sharm El Sheikh, waana midda walaaca xoogan gelisay Xukuumadda Qaahira.

LondonLondon1London2London3London4Britain's Prime Minister Cameron meets Egypt's President Sisi outside of 10 Downing Street in LondonBritain EgyptLondon7London8London9Britain's Prime Minister David Cameron speaks during a news conference with Egypt's President Abdel Fattah al-Sisi at Number 10 Downing Street in LondonLondon92London93London94