Animation

Daawo Sawirada Diyaaradaha Dagaalka Ruushka oo Duqeyn ay dad badan ku dhinteen ka fuliyay Magaalada…

no responses
Sunday November 8, 2015 - 9:03 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Diyaaradaha Dagaalka Ruushka ayaa duqeyn ay dad badan oo shacab ah ku dhinteen waxa ay ka fuliyeen saacdaihii lasoo dhaafay Magaalada Douma ee dalka Siiriya, magaaladaasi oo gacanta ugu jirta xoogaga mucaaradka ku ah Xukuumada Bishaar Al-Asad.

Duqeynta ayaa lala beegsaday goob mashquul badan oo kutaala bartamaha Magaalada Douma, waxaana Duqeyntaasi inta la xaqiijiyay ku dhintay 23-qof oo shacab ah oo lix kamid ah yihiin Caruur, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo badan.

Kooxda la socodka Xaaladaha bini’aadanimo ee dalka Siiriya ayaa xaqiijisay weerarkan dadka badan lagu yaalay ay fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka Ruushka, waxaana lasoo bandhigay sawiro muujinaya dhibaatada ka dhalatay duqeyntaasi.

Dowada Ruushka ayaa ku biirtay dagaalka ka dhanka ah kooxaha mucaaradka ku ah Dowlada Siiriya iyo kuwa Islaamiyiinta ah, waxaana Ruushka duqeymo ay ka fuliyeen gudaha Dalka Siiriya ay waxyeelo badan kasoo gaartay dad shacab ah.









Facebook Comments