Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Daawo Sawirada: Ciidamo katirsan Dowlada oo tababar uga socdo Xerada Milatari ee Turkiga dhiseen

Xerada Milatari ee Dowlada Turkiga ka dhistay deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa tababar heer sare ah uga socdaa Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Saraakiil Ciidan.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaalia gaar ahaan Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tegay Xerada Milatari ee Turkiga maamulaan .

Xildhibaanada ayaa u kuur galayay sida ay u socdaan tababarka xeradaasi lagu siinayo ciidanka Dowlada Soomaaliya, waxa ayna Xildhibaanada soo arkeen sida tababarka u socdo iyo nolosha ciidanka la tababarayo.

Xildhibaanada Guddiga Difaaca ayaa xerada intii ay joogeen kulan la qaatay Saraakiil Soomaali iyo Turki ah oo ciidanka Tababarayay, waxa ayna ka dhageesteen warbixin ku aadan ciidanka Tababarka u socdo.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo la hadlay Ciidamada tababarka u socday ayaa ku dhiiro galiyay in ay ka faa’iideestan tababarkan, waxa uuna ugu baaqay in ay noqdaan ciidan dhinac walbo ka dhisan.

Xerada Milatariga ee Dowlada Turkiga ka dhisatay magaalada Muqdisho ayaa lagu tababarayaa ciidamo iyo Saraakiil katirsan dowlada Soomaaliya, waxaana xeradan lagu diyaarin doonaa ciidamo tayo leh oo Mustqablka Soomaaliya anfaca.

 

Related posts

Daawo Muuqaal: Qaramada midoobay iyo midowaga Afrika oo Madaxweynaha jubbaland u balan qaaday in ay…..

Tifaftiraha K24

War Hada: Hay’adda badaha caalamka oo Sheegtay in Weeraradii kooxaha Burcad Badeeda Soomalida ay…..

Tifaftiraha K24

DegDeg: Madaxwaynaha Maamulka Galmudug oo gaaray Magaalada.

gurey