Animation

DAAWO SAWIRADA: Ciidamo Ka tirsan DF oo isku dhiibay Al-shabaab

no responses
Tuesday January 10, 2017 - 6:15 under Breaking News by Kaafi
mqdefault

Gobolka Galgaduud qeybaha ay ka taliyaan Al-Shabaab waxaa lagu soo bandhigay Askar ka tirsan Ciidamada Militeriga Dowlada Federaalka Soomaaliya oo isku dhiibay Kooxda Shabaab.

Shabaab waxaa ay sheegeen in ragan ay ka soo goosteen Furimaha Dagaalka ee Gobolka Galgaduud in kastoo ay san carabaabin deegaan ama degmo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Askarta Shabaab isku dhiibay oo La soo bandhigay Sawiradooda iyaga oo wata hubkii iyo Dareyskii ciidanka inkastoo aan la xaqiijin karin in ciidamada Dowlada ay ka mid yihiin ragaasi.

Mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Militeriga Dowlada Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud oo ay ku xaqiiinayaan in askar ay ka goosatay.