Animation

Daawo Saraakiisha Ciidamada Jubbaland oo arin lagu farxo sameyay….

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 8:06 under Breaking News by admin
mqdefault

Xili Dadka ku nool Deegaanada dhaca galbeedka Kismaayo oo ay dhawaan gaareen Ciidamada Jubaland ayna wali heysato Xaalad aad uxun, ayaa waxaa halkaas kormeer ku tagay taliyaha dugsiga 43-aad Gen. Ismaaciil Saxardiid,lataliyaha madaxweynaha Maxamed Cabdinuur,Saraakiil Ciidan,qaar kamid ah Haweenka Jubaland iyo Musharax Dool Mahad Salaad oo kamid ah musharaxiinta xildhibaanada qaranka.

Waa Maalinkii Afaraad ee ay biyo iyo raashin fudud ay Ciidamada Jubaland iyo kuwa Xooga dalka Somalia ay gaarsiinayaan dadka reer Miyiga ah ee kunool dhamaan deegaanada ku teedsan Cabdalla Biroole ilaa Kismaayo.

Musharax Dool Mahad Salaad, Haweeynka Jubaland iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo qeyb ka ahaa wafdiga Gen Ismaaciil Saxardiid ayaa baaq u diray Shacabka Jubaland qeybihiisa kale duwan, dowladda Jubaland iyo hay’adaha samafalka in ay gurmad u fidiyaan dadka ay go’doomiyeen maleeyshiyaadka Al-shabaab ee ku dhaqan deegaanada dhawaan laga xoreeyay ee galbeedka gobolka J/hoose.

Dool ayaa ugu baaqay qurbajoogta reer Jubaland in ay usoo gurmadaan shacabkooda, isagoo xusay in uu aad uga naxay marka uu arkay xaaladda ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanka Cabdalla Biroole iyo deegaanada ku xeeran.

Dool ayaa gacan ka geystay deeqda isugu jirtay raashiinka iyo biyaha ee loo geeyay shacabka, isagoo sidoo kale goobta lacago ku gudoonsiiyay qaar kamid ah qoysaskii halkaas ku noolaa.

Jen. Ismaaciil Saxardiid oo warbaahinta kula hadlay goobtii raashiinka iyo biyaha lagu gaarsiinayay dadka reer Cabdalla Biroole ayaa sheegay in loo baahanayhay in shacabka iyo dowladda ay xoogga saaraan sidii loogu gurman lahaa shacabka ku dhibaateeysan deegaanada laga xoreeyo Shabaab, arrintaa oo uu sheegay in ay horseedi karto wada shaqeyn dhexmarta shacabka iyo dowladda iyo weliba in shacabku kusoo hirtaan deegaanada la xoreeyay ee ay nabaddu ka jirto.

Deegaanada u dhexeeyay Kismaayo ilaa Cabdalla Biroole ayaa marka aad ku socdaasho wadada waxa ay indhahaagu qabanayaan reer guuraa tiro badan oo beegsanaya goobaha ay ku suganyihiin ciidamada Jubaland si ay uga helaan deeqaha kala duwan ee ay halkaasi geeynayaan madaxda dowladda iyo bulshada kala duwan ee reer Jubaland.Hoos ka daawo sawirada.

 

 

img_0151 img_0154 img_0155img_0159 img_0166 img_0167img_0169 img_0170 img_0172 img_0174 img_0176 img_0177img_0179 img_0180img_0186 img_0189 img_0191 img_0196 img_0197img_0202 img_0208img_0214 img_0215 img_0219 img_0224 img_0229img_0235 img_0237 img_0238 img_0240 img_0242img_0243 img_0245img_0250 img_0251 img_0254img_0255 img_0262