Animation

Daawo: Saameynta uu Reebay Dhulgariir Xoogan oo Laba Jeer oo is Xi xigay ku Dhuftay Wadanka Talyaaniga

no responses
Friday October 28, 2016 - 9:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Laba dhulgariir oo culus ayaa waxa ay ku dhufteen badhtamaha waddanka Talyaaniga, xudunta dhulgariirkuna waxay ahayd magaalada Macerata ee gobolka Marche.

Dhulgariirkan ugu dambeeyay ayaa dhacay laba bilood uun kaddib markii dhulgariir xoog badani uu burburiyay dhowr magaalo iyo tuulooyin ku dhaw gobolkan uu haatan ku dhuftay, waxaana ku dhintay ku dhawaad 300 oo qof.

Dhulgariirka labaad ee isla goobta ku dhuftay aad buu uga xooganaa kii hore. mid ka mid ah dadkii goobjoogga ahaa ayaa u sheegay telefishan Talyaani ah in uu arkay guryo dumayey oo uu toos u eegayay markay isku fadhiisteen.

Shaqaalaha gargaarka ee ka hawlgalaya goobaha mashaqadu ka dhacday ayaa weli qiimaynaya khasaaraha dhacay inta uu leegyahay.

Telefishinada Talyaaniga ayaa xalay baahiyey muuqaalka dhulgariirka oo xoogiisa ka dhacay Tuulada Visso ee bartamaha Talyaaniga, waxaana sidoo kale laga dareemay dhulgariiradaasi inta badan degmooyinka wadankaasi iyo Caasimada Rome.

Qaar kamid ah Kaniisadaha qadiimka ah ee ku yaal goobaha dhulgariirka ka dhacay ayaa la sheegay inay gebi ahaan burbureen, waxaana sidoo kale khasaaro xoogleh soo gaaray qaar kamid ah goobaha taariikhiga ah ee ku yaal bartamaha dalkaasi Talyaaniga.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Dhulgariirka

_92108881_c13c4e32-6ab2-478c-82f8-7b7f9ccdee98 _92108883_890ee35c-c626-433e-9c9a-5bbc445d2c00 _92110516_italy_quake_624_visso_v3 _92111836_9969fc45-0dc0-422d-a1e1-ed4150d09da3 _92111838_8a551209-b2d7-4ca9-9857-db8057b9c3be _92114947_a993cbdb-76ee-4b19-b231-613a40384d5a 62153f0eb6da08d40b5a 1477572950d2ec8 1477572958c546d