Animation

Daawo: Raxmadda alle oo saakay ilaa iyo xalay ka da’day qeybo kamid ah gobollada dalka

no responses
Thursday April 27, 2017 - 10:22 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Roobab lagu diirsaday ayaa waxa ay saakay ka da’een qeybo kamid ah magaalada muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka soomalia.

Dagmooyinka gobolka banaadir qaarkood ayey saakay ka da’een roobab lagu qaboobsaday iyadoona raxmadda alle ay aad ugu diirsadeen dadka iyo duunyada.

Inkastoo roobkii saakau muqdisho kada’ay uusan aheyn mid xoogan oo biyo dhigay ayaa hadana waxaa uu ahaay mid lagu qaboobsaday maadama magaalada muqdisho maalmahaan uu ka jiray kuleyl daran.

Dhinaca kale gobollada wuqooygaa soomala ee soomaliland magaalooyin kamid ah ayuu roobka ka da’ay weliba mid xoogan oo biyo dhigay.

Magaalada burco ee gobolka togdheer ayaa kamid ah magaalooyinka uu roobka xoogan ka da’ay waxaana dadka ku nool burco ay sheegeen in raxmadda alle ay ka hoortay magaalada iyo deegaanada u dhaw dhaw.

Sidoo kale gobollada dalka ee roobabka laga soo sheegaayo in ay ka da’een waxaa kamid ah Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose, Banaadir iyo qeybo kamid ah gobolka mudug deegaano iyo dagmooyin ka tirsan gobollada jubbooyinka.

Xili roobaadka gu’a ayaa la rajeynaya in gobollada dalka uu si rasmi ah uga curto maalmaha soo socda ee bishaan april ka dhiman hadii alle uu qadarro iyadoona dalka ay ka jirto abaar xoogan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada .

Sawirrada halkaan hoose ka muuqada waa magaalada burco oo roobka uu ka da’ay

Facebook Comments