Animation

Daawo: Raisul Wasaare Sharmaarke oo Magaalada Qardho loogu soo Dhaweeyay Si uusan Weligii Arkin Kadib Markii dadka ay….

no responses
Monday September 26, 2016 - 8:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi ballaaran oo uu hogaamiyaanyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay mgaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu socdaalka shaqo ku joogay magaalada Qardho waxa uu kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxa uuna kala hadlay arimaha doorashooyinka dalka iyo horumarda kala duwan ee ay ku tallaabsadeen maamulka iyo shacabka degmada Qardho.

Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale bulshada magaalada Qardho waxa uu ugu baaqay in ay laba laabaan dadaallada ay ugu jiraan dib u dhiska dalka iyo ladagaalanka nabad diidka ku howlan carqaladeynta amniga iyo wadanoolaanshaha.

Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan diyaar garowga doorasha dalka oo ay ka hartay mudo aad u kooban.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

14458869_10205790275836314_568594891_n 14470837_10205790282596483_1176905083_n-1 14502034_10205790273916266_1354949732_n 14508524_10205790273796263_1060906777_n 14508673_10205790273636259_978459861_n 14508735_10205790284556532_1618249548_n-1 14509140_10205790279716411_706740314_n-1 14509146_10205790275476305_1148209399_n-1 14509277_10205790277116346_742659037_n-1 14509416_10205790280396428_544089758_n-1