Daawo: Ra’isul Wasaare Kheyre” Sharafta aan Raadineyno kama Raadineyno qab qablayaal ee waxaan ka raadineynaa Shacabka Soomaaliyeed”

0

Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka soomalia mudane xasan cali Kheyre oo la hadlaayay jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka Qatar ayaa waxa uu si kulul u weeraray shaqsiyaadka doonaya in ay bur buriyeen dowladnimada.

“Inta aan anaga joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan  aqbali doonin in nalaga cabsiiyo dariiqa saxda ah.in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan Madaxweynaha JFS waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno qab qablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomoaliyeed”.ayuu raaciyay Mudane Xasan Cali Khare.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka