Somali News

Daawo: Ra’isul wasaare kheyre oo maanta qabtay shaqadii ugu badneyd abid kadib markii uu….

Muqdisho, 23-May-17–-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qayb-galey kulan lagu taageerayey Xukuumadda uu hoggaamiyo, waxaan ka soo qayb galay qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Madaxwaynaha Maamulka Gal-mudug, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Dhalinyaro iyo ururada Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey xafladan lagu taageerayo xukuumadiisa waxuuna tilmamey inay ka turjumayso rabitaanka dawladnimada, maadaama ay bulshada Soomaaliyeed soo mareen dhibaato badan isla markaana u baahan yihiin Nabad iyo Nolol.

“Waxaan rabnaa mar walba in ay nala xisaabtamaan shacabka Soomaliyeed si ay u helaan waxey xaqa noogu lee yihiin taasoo ah dawladnimada, si aan u gudano shaqadeena”ayuu yiri R/W kheyre.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa la kulmay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz , waxayna ka wada hadleen sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarka, xasiloonida iyo dimuqraadiyadda, tasoo fursad siineysa dadka Soomaaliyeed si loo yareeyo kuwa aaminsan aragtida xag-jirnimada ah.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku tagay Dekada Muqdisho, gaar ahaan shaqaalaha qeybta Maaliyadda, waxuuna kala hadlay howlaha ka socda Dekeda, isagoo kula dar daarmey in ay la dagaalamaan musuq-maasuqa si loo helo dawladnimo lagu kalsoon yahay.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka

Muqdisho, Somalia

Related posts

DAAWO:Mahdi Guuleed oo si yaab leh u dhigay axsaanka ay dunida u fasho Somalia

Mohamed Abdirashid Abaajo

War Cusub :- Guriceel Xiisadii katagnayn oo lagu baaqay in la Dajiyo Xili Colaad Cusub la Dareemayo

admin

Maamulka Iyo Howl-wadeenada K24 Oo Hambalyadda Ciida U Soo Diraya Dhamaan Akhristayaashiisa

Tifaftiraha K24