Daawo: Ra’isul wasaare kheyre iyo Wasiir Bayle oo kulan aan caadi ah la qaatay Ganacsatada Gobolka Banaadir

no responses
Wednesday February 14, 2018 - 6:06 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyl, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah Gacansatada Soomaaliyeed, waxayna ay kawada hadleen arrimo badan oo dhaqaallaha dalka ku saabsan.

Ra’iisul wasaaraha iyo Ganacsatada uu la kulmay ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira bixinta Canshuuraha iyo qaabkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen kor u kaca dhaqaallaha dalka.

“Aniga iyo R/wasaare Xasan Cali Khayre waxaan la kulanay Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ka wada hadalnay bixinta Canshuuraha, Ganacsatada waxay mudan yihiin qadarin, waana muwaadiniin ka soo qeyb qaatay dib u dhiska dalka iyo horumarka la gaaray, wadashaqeyn ayaan dhammaan ku horumari karnaa” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Maalmahan waxaa jiray isqab qabsi u dhaxeeyay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, kaasi oo la xiriira in ganacsatada ay sheegeen in aysan sharci aheyn Canshuuraha laga qado.

Facebook Comments