Animation

Daawo: Ra’isul wasaare kheyre iyo wafdigiisa oo gaaray caasimadda qadar ee doha muxuuse halkaasi u tagay??

no responses
Saturday May 13, 2017 - 5:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ra’isulwasaaraha xukuumadda soomalia mudane xasan cali kheyre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa waxa uu gaaray magaalada doha ee caasimadda dalka qadar.

Ra’isul wasaare kheyre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda dalka qadar waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ee magaalada doha.

Ra’iisul Wasaare xasan cali kheyre ayaa u tagay dalka qadar in uu ka qeyb galo shir caalami ah oo lagu wado in maalinta beri ah uu kafurmo magaalada doha ee caasimadda dalka qadar.

Ajandayaasha shirkaas looga hadli doono waxaa kamid ah dhaqaalaha,maalgashiga amniga iyo xiriirka ka dhaxeeya wadamada bariga dhexe waxaana soomalia shirkaas u matalaya ra’isul wasaare kheyre iyo wafdi uu hogaaminaayo.