Animation

Daawo : Quruxda ka Muuqaata Deegaanka Goob-weyn oo Qiyaastii 15-KM u Jirta Magaalada Kismaayo

no responses
Sunday September 4, 2016 - 5:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Goobweyn waxay Kismaayo kaga beegan tahay waqooyiya qiyaastiina waxay magalada u jirtaa 15-KM, waa deegaan ay ku nool yihiin Kalluumaysato, Beeralay iyo reer miyi xoolo raacato ah, waa halka kaliya ee badda iyo wabbiga Jubba isaga darsamaan Soomaaliya, dhinacyadda wabigga Jubba ee Goobweyn waxaa ku yaala beero wax soo saar leh kuwaasoo u baahan in maalgashi lagu sameeyo.

Sawirro laga soo qaaday webiga iyo deegaankaasi ayaa waxaa halkaasi ka muuqato fursado baddan oo ganacsatadda Soomaaliyeed ay ku maalgalin karaan, docda kale waxaa deegaankaasi ku sugan ciidanka mamulka Jubbaland, walow ay weli jirto cabsi laga qabo in deegaanadaasi ay dhibaato ka geysteen kooxda Al-Shabab haddana nolasha dadka ku nool waa caadi oo waxay ku mashquulsan yihiin shaqooyinkooda kala duwan.

Deegaanka Goobweyn ayaa ah mid aad u qurux badan oo markaad aragto aad la yaabayso quruxda iyo habka ay dadku ugu nool yihiin.

1 2 3 5 6 7 8 9 10 11 12 14 15 16 17 18 19 41Sawirr Qaade Cali Cabdi Ducale
Caliducale1@gmail.com