Animation

Daawo:- Qurba.joogta Puntland ee Finland iyo Qurba joogta Puntland ee Ireland oo Kar Bixiyey Shirka lagu mideyndoono dhamaan Qurba-joogta Puntland

no responses
Wednesday September 2, 2015 - 6:34 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Qurba.joogta Puntland ee Finland iyo Qurba joogta Puntland ee Ireland oo Kar Bixiyey Shirka lagu mideyndoono dhamaan Qurba-joogta Puntland ee Yurub ee Bisha soo socota dhamaadkeeda 23-27-9-2015ka lagu qaban doono Helsinki Finland.

Kulankan dhawaan qabsoomaya ayaa ah mid heer sare ah sida aad ka dhagaysateen idaacadaha iyo Tv yada caalamkaba waxaa isu imanaya hogaamiyayaashii iyo maskaxdii qurbajoogta puntland ee jeclayd waligeedba hormarka umada dalka iyo diinta,waxaa isu ima…naya maskax ka fayoow kana hormartay jaahilnimo iyo waxa ku xeeran ee soomaaliya halkaa dhigay,waa aqoonyahano kacaan ah oo tiig sanaya meel fog iyo aayaha ubadkooda iyo cidhibta danbe.waa maskax doonaysa hormar midnimo iyo walaalnimo waxaan diyaar u ah oo martiqaaday rag taagan bartii S.Y.L waxaana furmaya baal cusub oo leh faa iido bulsheed mid qaran iyo mida shacabka puntland gaar ahaan.Hal abuurnimada iyo hogaaminta iyo aragtida fayoow ee macno isbadal samaysa ilaahay baa bixiya waa hiboweeye layskama yeel yeelikaro sidii geeliina looma kala dhici karo hibada eebahay bixiyo.

Daladu waxay marwalba xusaysaa una mahad celinaysaa mawaadinka Dr baydhabo oo ah wakiilga scandanevianka u fadhiya puntland fadhigiisuna yahay sweden maxaayeelay waa aqoon yahan han sare leh jecelna hormarka iyo in laga shaqeeyo danaha shacabka dalka dibadiisa iyo gudihiisaba tanoo daladu la qaadatay. Hadaba madaasha kulanka qubajoogta puntland ee Helsinki ka dhacaysa ayaa ah mid ay ku farxi doonaan dhamaan shacabka iyo dawlada puntland iyo guud ahaanba shacabka soomaaliyeed dal iyo dibadba kana hor dhicimayno arintaa dhagta loo wada taagayo inshaa allaahu tacaalaa. guul iyo khayr baan u rajaynaynaa qurbajoogta caalamka daafihiisa ee puntland. sidoo kale waxaan u rajaynaynaa shacabka gudaha iyo dawlada puntland intaba nabad galyo xasilooni iyo hormar intaba. baa qayagu waxaa weeye hadii aynaan,dalkeena daacad u noqon oo dadkeena daacad ugu shaqaynin oo cidwaliba meesha ay hawsha kaga aadantahay masuul iska saarin hadee ogaada hormarku sidaa laguma helo, oo iska kaasoo doonan maayo waa in aan shaqaynaa si dhab ah taasaa xal ah.https://youtu.be/f7uMtrH_HqA

 

 

Facebook Comments