Animation

Daawo: Qarax ay ku dhamaadeen shacab badan oo ka dhacay maqaaxi ku taala agagaarka…..

no responses
Monday May 8, 2017 - 5:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan qarax xoogan oo galabta wadada maka al-mukarama ee magaalada muqdisho.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyadoona uu ka dhacay goob ay bulshada ku badantahay.

Wuxuu si gaar ah uga dhacay bannaanka hore ee maqaayadda Italina Restaurant oo u dhow agagaarka hoteelka Sunrise.

Maqaayadda waxa ay ka soo horjeedo xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadda dowladda federaalka oo ku taala wada maka al-mukarama.

Wararka ugu dambeeya ee laga helaayo qasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa waxa ay sheegayan in ay ku dhinteen 8 ruux oo shacab ah halka ay dhaawacmeen 12 ruux dad ka badan.

Qaraxa wuxuu ka dhacay meel aad u mashquul badan oo dadka ay isugu yimaadaan waqtiyada galabtii ah waxaana qaraxa uu sababay qasaaro xoogan oo dad rayid u badan.

Xalay ayey aheyd markii qarax xoogan uu ka dhacay ka soo horjeedka Hotel Maka Al-mukarama kaasi oo lagu xiray gaari uu watay sargaal nabad sugidda ka tirsan.