Animation

Daawo: Qaramada Midoobay oo Maanta Xarunta Amisom ee Xalane ku Canaanatay Masuuliyiinta Guddiga Doorashooyinka Maxaase loo sheegay????

one response
Monday November 28, 2016 - 2:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kulan Xasaasi ah ayaa Maanta waxa uu ka dhacay Xarunta Ciidanka Amisom ee Xalane Kulankaasi oo sida la sheegay looga hadlaayay Arimaha doorashooyinka Balse aan looga yeerin Qaar kamid ah Xubnaha kulankaan uu quseeyay.

Kulanka waxaa ku sugnaay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaliya Danjire Keating Guddoomiyaha Baarlamanaka uu waqtigiisa dhamaaday Prof Jawaari iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cumar Dhageey iyo Xubno kale oo Saraakiisha Amniga ah.

Kulanka waxaa kaloo qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Guddiga heer Qaran ee doorashooyinka 2020-ka Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo yareey”.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cumar Dhageey ayaa ka hadlay Xaalada ay ku sugantahay Doorashooyinka dalka ka socda iyo Caqabadaha ka soo wajahay qaar ka mid ah Doorashooyinka Labada Aqal ee ka dhacay Maamul Goboleedyada.

Wakiilka UN-ka u qaabilsan Soomalia Micheal keating ayaa sheegay in ay muhiim tahay da dajinta doorashooyinka,ayna lagama maarmaan ay tahay dhameystirka Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soomaliya.

Warar Hoose oo aan kulanka ka helnay ayaa waxa ay sheegayan in Kulanka markuu dhamaaday ay si qarsoodi ah kulan u wada qaateen Danjire keating iyo Jawaari waxaana ilo wareedyo hoose ay Inoo Xaqiijiyeen in Jawaari u=uu keating u sheegay in Guddoonka Baarlamaanka uu isku soo sharaxo.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Kulanka Xalane ka dhacay

vlcsnap-2016-11-28-14h54m12s166 vlcsnap-2016-11-28-14h54m28s78 vlcsnap-2016-11-28-14h54m58s116 vlcsnap-2016-11-28-14h55m27s146 vlcsnap-2016-11-28-14h55m45s68 vlcsnap-2016-11-28-14h55m52s141 vlcsnap-2016-11-28-14h56m12s92 vlcsnap-2016-11-28-14h56m28s242 vlcsnap-2016-11-28-14h56m35s71 vlcsnap-2016-11-28-14h56m45s164 vlcsnap-2016-11-28-14h56m54s2 vlcsnap-2016-11-28-14h57m11s160 vlcsnap-2016-11-28-14h57m21s5 vlcsnap-2016-11-28-14h57m28s92 vlcsnap-2016-11-28-14h58m31s181