Animation

Daawo: Midowga yurub oo goob joog ka aheyd shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo muqdisho ka furmay

no responses
Wednesday May 24, 2017 - 4:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub oo maanta booqday xarunta wasaaraddaasi ee magaalada Muqdisho.

Mudane Xasaan Xuseen Xaaji wasiirka wasaaradda Caddaaladda ayaa xubnaha wafdigaasi kala hadlay arimo ay ka mid yihiin  sidii loo horumarin lahaa  adeegga garsoorka dalka.

Wasiirka  Caddaaladda Mudane Xasaan Xuseen Xaaji  ayaa sheegay in wafdiga ka socday Midowga Yurub ay isla garteen  in wasaaradda laga caawiyo qorshe howleedkeeda u degsan ee ku wajahan horumarinta hannaanka garsoorka.

 

Dhinac kale wasiirka Caddaaladda  ayaa shiir u furay wakiillo ka kala socda mamuul goboleedyada dalka, waxaana uu sheegay  in  kulankaasi uu yahay  mid looga hadlayo xariika  mamuul goboleedyayad iyo Wasaarada Caddaaladda.

Facebook Comments