Somali News Top News

Daawo: Qaar kamid ah Askarta Galmudug ee Duqeynta ku Dhaawacmay oo Muqdisho lagu Dabiibaayo

Magaalada Muqdisho waxaa Maalintii Shalay lasoo gaarsiiyay Dhaawacyada Qaar kamid ah Ciidanka Galmudug ee ku Dhaawacmay Duqeyntii Mareykanka uu la beegsaday Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Dhaawacyada Mas/uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug.

Ku dhawaad 10 Askari oo Dhaawacyo kala duwan qaba ayaa lasoo gaarsiiyay Muqdisho Iyadoona la dhigay Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Ubax Tahliil oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in dalka dibadiisa loo qaado askarta katirsan Galmudug, ee dhaawacyada ay kasoo gaareen duqeyn dhawaan ka dhacday deegaanka Jeexdin ee duuleedka magaalada Gaalkacyo.

Waxa ay sheegtay in askarta intooda badan ay qabaan dhaawacyo halis ah sidaasi daraadeedna lagama maarmaan ay tahay in dalka dibadiisa loo qaado si loogu soo daweeyo askartaasi.

Xildhibaan Ubax Tahliil ayaa ugu baaqday madaxda dowladda Soomaaliya in arintaasi ay u istaagaan islamarkaana si deg deg ah loo fuliyo, si askarta Galmudug loo badbaadiyo.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

01-16 1 02-20-640x480 3 04-14-640x480 4 05-13-640x480 5 06-9-640x480 6 7 8 9 10 11

Related posts

Daawo Sawirro: Xildhibaan bootaan oo la sheegay in labada lugood uu ka go’ay kadib qarax gaarigiisa loogu xiray

Tifaftiraha K24

Warbixin Cusub: Tirada Dadkii ku dhintay Qaraxii zoobe oo kor u dhaaftay 512 Ruux

admin

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeele Oo sheegay in Dib U Eegis lagu Sameynayo Degmooyin Uu Magacaabay Madaxweynihii Hore

Ahmed sudani