Animation

Daawo: Qaabkee Maanta ay u dhacday Doorashada Madaxweynaha Hirshabeele iyo ku Xigeenkiisa

no responses
Monday October 17, 2016 - 6:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Dhexe Waxaa Caawa Ka Dhacay Doorasho Taariikhi ah oo Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Cusub ee Hirshabeelle ay ku doorteen Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku Xigeen.

Kursiga Madaxweynaha Hirshabeelle Waxaa ku tartamay laba Musharax oo lagu Kala Magacaabo Maxamed Cabdi Waare iyo Cali Cabdullaahi Cosoble, Waxaana Codeyn kadib Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeele ku guuleysta Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo Kale Kursiga Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle ku Tartamay Cali Xasan Hiloowle Taakoow iyo Cali Cabdullaahi Guudlaawe, waxaana Codeyn kadib Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabeelle ku guuleystay Mudane Cali Cabdullaahi Guudlaawe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Sh Cusbaan Barre Maxamed ayaa si rasmi ah u dhaariyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka.

Maxamed Cabdi Waare oo ahaa Musharaxa la tartamay Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle ayaa Ammaanay sida wanaagsan ee doorashadu ku dhacday, isagoo u hambalyeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweynaha Cusub Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlay Doorashada iyo sida ay dhacday ayaa u mahadceliyay dhammaan intii gacanta ka geysatay guusha iyo dhisamaha Maamulka Hirshabeelle.

Mudane Cosoble ayaa ku baaqay in si dag dag ah loo soo gudbiyo Liiska Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa ayaa u mahadceliyay Odayaasha iyo Qeybaha kala duwan ee gacanta ka geystay dhismaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle, wuxuuna Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo ku Xigeenkiisa Cali Guudlaawe.

Wasiir Odaywaa ayaa ku dhawaaqay in Caleemo Saarka Madaxweyanaha Hirshabeelle la qaban doono Maalinta Khamiista ee nasoo aaddan.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka qeybgalay Doorashada ayaa Bogaadiyay in uu guuleystay dhismaha Maamul Mataan la ah Galmudug.

Mudane Guuleed ayaa munaasibadda ka shageey mar haduu dhismay Hirshabeelle in ay harsantahay in la raadiyo Maqaamka Magaalada Muqdisho.

1-4 2-3 3-1 4 8 10 12 13 14 16 17 18 19 20

besa_1 besa_2 besa_3 besa_4 beso_5 beso_7 beso_8 beso_9 beso_10 hali_1 hali_2 hali_3 hali_4 hali_5 hali_6 hali_7 hali_8