Animation

Daawo: Qaabkee loo sagootiyay xulka qaranka soomalia ee kusoo fashilmay ciyaartii ay la ciyaareen kuunfur sudan?

no responses
Tuesday May 2, 2017 - 5:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay xulka kubada cagta ee  Qaranka Soomaaliya ayaa lagu qabtay howlka shirarka ee safaarada Jamhuuriyada fadaralka ah  Soomaaliya ee magaalada Jubba ee Xarunta Dalka Koofurta Suudaan.

Xafladda Sagootinta Waxaa isku soo dubariday gudiga gancasatada Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan ee loo yacaan SOBASS iyo Safaaradda Soomaaliya.

Munaasibadda ayaa intii ay Socotay Waxaa abaalmarin dhiirgalin ah lagu guddoonsiiyay dhamaan ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliyeed oo cayaar adag ay magaalada Jubba ku dhexmartay Xulka Qaranka Koofurta Suudaan.

Ka Qeybgalayaasha Xafladda ayaa bogaadiyay dadaalka iyo hormarka dhinaca Cayaaraha ee ay sanadihii ugu dambeeyay Sameeyeen Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliya, inkastoo kulamadii dhex maray dhiggooda Koofurta Suudaan oo ka kala dhacay Magaalooyinka Djabuuti iyo Jubba looga Adkaaday.