Animation

Daawo: Qaabka ra’isul wasaare kheyre loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya

no responses
Monday June 12, 2017 - 1:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Ra’isul wasaaraha xukuumadda soomalia mudane xasan cali kheyre iyo wafdi balaaran oo uu horkacaayo ayaa waxa ay gaareen magaalada addis ababa ee dalka itoobiya.

Ra’isul wasaare kheyre ayaa addis ababa uga qeyb galaya shir ay isugu imaanayan madaxda urur goboleedka IGAD waxaana shirkaasi looga hadli doona arimaha dalka koonfurta suudan.

Wafdiga ra’isul wasaaraha waxaa garoonka diyaaraddaha Bole International Air Port kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin dowladda itoobiya ka tirsan.

Shirkaan waxaa todobaadkii hore ku baaqay in la qabto ra’isul wasaaaha itoobiya waxaana lagu waday in madaxweynaha soomalia uu ka qeyb galo balse wuu ka baaqday oo cudur daar ayuu ka bixiyay ka qeyb galka shir madaxeedka IGAD isagoona bedelkiisa u diray ra’isul wasaaraha xukuumadda soomalia mudane xasan cali kheyre.

Facebook Comments