Animation

Daawo: Qaabka Magaalada Beledweyne loogu soo Dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Cali C/llahi Cosoble

no responses
Thursday October 20, 2016 - 9:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele ayaa Maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda.

Cali C/llahi Cosoble oo Goordhaw loo doortay Madaxweynaha Hirshabeele ayaa Booqashadiisa waxa ay salka ku heysaa sidii Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif loogu qancin lahaa in uu ka qeyb galo Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Cusub .

Balse Warar Hoose oo ay heleyso Kismaayo24 ayaa waxa ay sheegayan in Ugaaska uu Aqbalay in uu ka qeyb galo Xaflada Caleema saarka ee Lagu wado in Maalinta Sabtida lagu qabto Magaalada Jowhar Waxaana Xusid Mudan in Ugaaska uu Taageerida Maamulkaan Cusub ku xiray Shardi ah in Doorashada Xubnaha Aqalka sare lagu qabto Magaalada Beledweyne oo Jowhar ama Xamar aan lagu qaban karin.

Cali C/llahi Cosoble waxa uu ka soo jeeda Gobolka Hiiraan Waxaana Horay Waxgaradka Gobolka Hiiraan u qaadaceen shirkii ka socday Magaalda Jowhar inkasto Hada Badankood ay ku qanceen Maamulkaan Waxaana diidan Kaliya Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

01-5 04-6 07-4 08-3 soo-dhowyn-cosoble-1 soo-dhowyn-cosoble-2 soo-dhowyn-cosoble-3 soo-dhowyn-cosoble-4 soo-dhowyn-cosoble-5 soo-dhowyn-cosoble-6 soo-dhowyn-cosoble-7 soo-dhowyn-cosoble-8 soo-dhowyn-cosoble-9