Animation

Daawo: Qaabka madaxweyne farmaajo uu maanta ula wareegay xafiiska madaxweynaha

no responses
Thursday February 16, 2017 - 11:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah ugu wareegay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kusoo dhaweeyay madaxtooyada, halkaasi oo uu Farmaajo si rasmi ah howshiisa uga billaabi doono.

Xafladda la kala wareegidda Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu casuumiyay warbaahinta qeybaheedda kale duwan, waxaana astaanta calanka ka tumay ciidanka bambeyda Soomaaliya.

Xafladda rasmiga ah ee caleema saarka ayaa Muqdisho ka dhici doonta 22-ka bisha, markaasi oo la filayo in ay kasoo qeyb galaan marti sharaf gobolka iyo caalamkaba ka socda.

Mudane Xasan Sheekh ayaa u guuray hooy looga diyaariyay gudaha Muqdisho.

Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay deganaa hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la filayaa inuu billaabo hannaanka dhisidda xukuumad uu ay ugu horeyso soo xulidda Ra’iisul wasaaraha.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada qaabka uu farmaajo xafiiska ula wareegay

Facebook Comments