Animation

Daawo: Qaabka madaxweyne farmaajo iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay magaalada lodnon oo xalay ay gaareen

no responses
Wednesday May 10, 2017 - 8:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada london ee caasimadda boqortooyada UK.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha Heathrow ee magaalada london.

Wafdiga madaxweynaha waxaa kamid ah madaxda maamulada,hirshabelle ,galmudug iyo koonfur galbeed waxaana halkaasi kaga sii horeeyay madaxda maamulada jubbaland iyo puntland.

Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda iyo mas’uuliyiin kale ayaa madaxweynaha ku wehlinaayo socdaalka magaalada london.

Madaxda qaranka iyo kuwa maamul goboleed-yada dalka ka jira ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan shirka la filaayo in 11-ka bisha oo ku beegan maalinta beri oo khamiis ah uu ka furmo magaalada london.

Maanta waxaa ka dhacay London shir ay ka qaybgalayaan ururada Bulshada Rayidka ah, kaas oo looga hadlayo xaaladaha Bani’aadanimada Soomaaliya.

Shirka beri london ka furmi doona waxaa ka qeyb galaya dowladdaha daneeya soomalia waxaana looga hadli doona ajandayaal dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay dhismaha ciidanka xoogga dalka.